Home arrow Siyaasadda | Africa arrow Askari ladiley oo Qoyskiisii Lacag lagudoonsiiyey
Unreported World Somalia 1
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:323
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 2
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:146
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 3
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:118
Date:22-09-2008
Somalia Now and Then
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:458
Date:07-09-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Apr 12 2008
Askari ladiley oo Qoyskiisii Lacag lagudoonsiiyey
Written by Ali Moallim   
Saturday, 12 April 2008

Bujumbuura, (insidesomalia.org)-Wararka ka imaanaya Magaalada Bujumbuura ee Caasimada Wadanka Burundi ayaa sheegaya in la gudoonsiiyey lacag gaaraysa 50.000$ kun oo Doolar gaaraysa qoyskii uu ka dhashey Askari ka tirsanaa Ciidamada Burundi oo lagu diley Qarax uu geystey qof naftiisa biimeeyey oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Askarigaasi oo lagu Magacaabi jirey Donatien Nkurunziza, oo ahaa Sarkaal ka mid ahaa Ciidamada Burundi ayaa waxaa lagu aasay maalinimadii shaley Deegaanka lagu magacaabo Mpanda oo ka tirsan Magaalada Caasimada ah ee Bujumbura.

Sergeant Nkurunziza ayaa waxaa aaskiisa ka qayb galey Madax ka tirsan Xukuumada Burundi, Saraakiisha Ciidamada Burundi iyo Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arimaha Soomaaliya Nicolas Bwakira.

Mr. Bwakira ayaa tibaaxay in lacagta la siiyey Qoyska Askarigaasi ay tahay mid ah xaqiisii ama Magdhaw.

Weerarkii lagu diley Sakariga geeriyoodey ayaa waxaa fuliyey qof naftiisa biimeeyey waxaana weerarkaasi oo lagu qaaday Xarunta Ciidamada Burundi sheegtey Masuuliyadiisa kooxda Al-Shabaab oo ka soo horjeeda Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyo Ciidamada ajanabiga ah ee gacanta siinaya.

Donatien Nkurunziza, ayaa ifka uga tagey xaas uur leh iyo afar Caruur ah sida ay sheegtey Wasaarada difaaca Dalka Burundi haweenay ka tirsan oo Warbaahinta Caalamiga ah lahadleysey.

 

Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page          

< Prev   Next >